Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay Gobolka...

Ciidanka Xoogga dalka oo Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay Gobolka Bakool+Sawi

SHARE

Deegaanada kale ay ciidanka howlgalka ay ka fuliyeen waxaa ka mid ah Shiidle,Dudumaale,Tiyeeg-buul iyo wargaloole dhammaan deegaanadan ayaa ku teedsan wadada isku xirta degmooyinka Xudur iyo Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle sare Warsame Maxamed Diiriye oo faah faahin ka bixiyay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad kooban oo Ciidanka Xoogga dalka iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool ay ku dileen horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa caan ka ahaa deegaanada ay Ciidanka howlgalka ka fuliyeen,wuxuuna shacabka ka uruurin jiray lacago baad ah oo ay ugu yeereen Sakawaad.

Wuxuu ku sheegay taliyaha Guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka sababta ay deegaanadaasi u weerareen iney tahay sidii shacabka kaga ka dul qaadi lahaayeen dhibaatada maleeshiyada Al-Shabaab ku haayaan.

LEAVE A REPLY