Daawo Barnaajika Samawade Oo Looga Dooday Kaalinta Bulshada Oo KaHortagga Weerarada Xagjirka

Daawo Barnaajika Samawade Oo Looga Dooday Kaalinta Bulshada Oo KaHortagga Weerarada Xagjirka

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Barnaamijka Samawade oo aan ku eegno dhibaatooyinka Kooxda Xagjirka Al Shabaab ay ka wadaan dalka Soomaaliya ayaan todobaadkaan ku falaanqeyndoonaa “Waa Maxay Kaalinta Bulshada Soomaaliyeed ee uga aadan ka hortagga Qaraxyada iyo weerarada Xagjirnimo ee kooxda al shabaab ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha bulshadu ku kulanto, sideese looga wada qeybqaadan karaan in laga hortago?”.

Barnaamijka oo uu soo jeedindoono Wariye Cali Cabdiraxmaan Aadan, waxaa marti ku ah Sh Cabdullahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed iyo Maxamed Cabdirashiid oo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed qeybna ka ahaa dhallinyaradii isku xilqaamay u gurmashada dadkii Soomaaliyeed oo 14 Oct 2017 lagu xasuuqay dad berimageyso ah oo aan waxba galabsan.

Si gaar ah barnaamijka inta uu socdo waxaa lagu falaanqeyndoonaa Qaraxyadii dadka badan lagu halaagay ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay Isgoyska 14 Oct Ex Soobe iyo Hotelka Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

https://www.youtube.com/watch?v=lqe14QRpXhw&feature=youtu.be&a=

 

LEAVE A REPLY