DEG DEG: Galmudug laba Wasiir oo xilka iska casilay

DEG DEG: Galmudug laba Wasiir oo xilka iska casilay

SHARE

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Bay’adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowlad Gobaledka Galmudug, Abdi Fatah Mohamud Ahmed   ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas.

Abdi Fatah mohamud Ahmed  ayaa sababta iscasilaadiisa ku sheegay inay tahay arimo shaqsi ah oo aysan jirin dhibaato kale oo ka taagan xilikaas.

Waxaa sidoo kale, xilka iska casilay Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq)  waxa uuna  shaaca ka qaaday  inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug.

Xilli uu maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo  uu sheegay in ku dhawaad halsano iyo bar uu xilkaasi hayay.

Cabdiraxman Maxamed Cisman ayaa sheegay in awoodii maamulka  ay gacanta ugu jirto shaqsiyaad gaar ah, kuwaa oo  ku sugan magaalada Cadaado sida uu sheegay.

Waa Wasiirkii labaad oo muddo 24 saac gudahooda sheegaya in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Galmudug.

Wasiiro Badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa horay u shaaciyay in ay iscasileen Qaarkoodna waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug in uusan bixin dhaqaalihii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan wasaaradahooda.

LEAVE A REPLY