Hogaamiye Sare oo al-Qaacidda ah oo lagu dilay Afghanistan

Hogaamiye Sare oo al-Qaacidda ah oo lagu dilay Afghanistan

SHARE

Ciidanka amniga Afghanistan ayaa sheegay in ay diley Abu Muxsin al-Masri oo ahaan hogaamiye sare oo ka tirsan al-Qaacidda, kaas oo ahaa liiska argagaxisada FBI kan loogu doon doonista badan yahay, sida laga soo xigtay sirdoonka Afghanistan.

Al-Masri, oo u dhashay dalka Masar ayaa la aaminsan yahay in uu yahay ninka labaad ee ururka al-Qaacidda, waxaana lagu dilay howlgal laga fuliyay gobolka Ghazni, sida ay sheegtay laanta sirdoonka Afghanistan.

Magaciisa rasmiga ah waa; Xusam Cabdi Ra’uf, dowladda Mareykanka ayaa sanadkii 2018 ku dartay liiska dadka loo heysto argagaxisanimo.

Madaxa xarunta qaran ee la dagaalanka argagaxisada, Chris Miller ayaa xaqiijiyay dhimashada al-Masri.

“In goobta dagaalka laga saaro waxay dib u dhac weyn u tahay ururada argagaxisada, waana guuldarooyin istiraatiijayadeed oo ay fududeeyeen Mareykanka iyo saaxiibadiis,” ayuu yiri.

Bishii hore, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in wax ka yar 200 oo dagaalamayaal al-Qaacidda ahi ku harsan yihiin Afghanistan.

Mareykanka ayaa al-Qaacidda kula dagaalamayay Afghanistan muddo 19 sanadood ah.

Ciidanka ajnabiga ah ee Afghanistan jooga oo Mareykanku hormuud u yahay ayaa hadda bilaabay in ay ka soo baxaan dalkaas ka dib heshiiskii taarikhiga ahaa oo ay kala saxiixdeen Taliban iyo Mareykanka bishii labaad ee sanadkan.

 

LEAVE A REPLY