Howlgalo Ciidan oo ka Socda Shabeelaha Dhexe

Howlgalo Ciidan oo ka Socda Shabeelaha Dhexe

SHARE

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu ka jiro dhaqdhaqaaq ciidan deegaano galbeedka ka xiga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dhaqdhaqaaqan ayaa la sheegay inay wadaan ciidamada Milatariga kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB. Sida aan ku heleyno wararka ciidamadan waxa ay gaareen deegaanka Daniga oo hore ay fariisimo ugu lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhinaca kale dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kadib markii xalay ay fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Raaxoy oo u dhexeeya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad xalay lagu weeraray hoobiyaal iyo madaafiic.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan hase yeeshee waxaa la sheegay in ciidamo oo isugu jira kuwa dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay fureen rasaas xoog leh.

LEAVE A REPLY