Howlgal Ciidanku Ka Fuliyeen degaano katirsan degmada Jalalaqsi

Howlgal Ciidanku Ka Fuliyeen degaano katirsan degmada Jalalaqsi

SHARE

Ciidamada Ururka 41 aad Guutada 5 aad  qeybta 27 aad ee Ka howlgala dagmada Jalalaqsi ayaa waxa ay sameyen Howlgal lagu xaqijinayo amniga dagmadaas, sida ay sheegeen saraakiisha.

Taliyaha Ciidanka degmada Cusmaan Cabdi Xasan ayaa sheegay in maalmahan howlgalo isdaba jooga oo amniga lagu adkeynayo islamarkaana lagu baacsanay maleeshiyaadka nabad diidkaah.

Howlgalka waxaa lagu adkeynayay amniga waddada soo gasha degmada gaar ahaan dhanka bari.

Dhowaan ayay aheyd markii labo kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab lagu dilay howlgal ciidanku ka sameeyeen degaanka Dufaalay oo katirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY