Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab Ka soo Furtay Carruur ay u Tababarayeen...

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab Ka soo Furtay Carruur ay u Tababarayeen Qaraxyada

SHARE
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha Ururka 143 Aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo hogaaminaayay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka  inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan nabadiidka  Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidookale sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo bad baadiyeen Carruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada
Taliyaha oo ka hadlayay Carruurta ay Al-shabaab ka soo furteen  tiradooda  ayaa ku sheegay in ay Gaarayaan 40 isagoona xusay in nabadiidka ay Carruurtaan ka soo Afduubteen qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

LEAVE A REPLY