Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday ciidamo ku sugan Jowhar

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday ciidamo ku sugan Jowhar

SHARE

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah booqashadiisa isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda waaxood ee AMISOM.

Ciidamada  Burundi  oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah  dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90km u jirta Muqdisho.

Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOM kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalkaloggu jiro soo celinta nabadda,ka hortagga kooxaha hubeysan ee argagixisada.

LEAVE A REPLY