Wasaaradda waxbarashada oo ka tacsiyeysay geerida arday kaalin sare ka galay imtixaanka...

Wasaaradda waxbarashada oo ka tacsiyeysay geerida arday kaalin sare ka galay imtixaanka dugsiyada sare

SHARE

Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta bahda waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22-aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay.

Wasaaraddu waxay Qoyskii uu ka baxay Thaabit u dirtay tacsi gaar ah, waxaana ay u rajeysay in Alle samir ka siiyo, iyadoo waalidiinta Soomaaliyeed ku boorisay inaysan ku hanjabin ficilada argagixisada.

Thaabit Cabdillaahi Xasan Raabi oo ka baxay Iskuulka sare ee Ganaane ayaa ku baasay imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare 89.07%, waxaana ay qaraabo ahaayeen Gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo isna qaraxaasi ku geeriyooday.

LEAVE A REPLY