Wararkii dambeeyay degaanka Shabeelow iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo.

Wararkii dambeeyay degaanka Shabeelow iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo laga soo sheegayo.

SHARE

Ciidanka Kumandooska Danab iyo qeybta 21 aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaanka Shabeelow, ee gobolka Mudug oo dhowaan ay ku dagaalameen dadka degaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Degaanka Shabeellow oo ka tirsan degmada Hobyo, ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka taagnaa xiisadda u dhexeysa Alshabaab iyo dadka degaanka.

Ciidanka xoogga dalka ayaa ku baxay dagaalka ka dhacay degaanka, iyadoo maleeshiyaadkii Alshabaab ee degaanka soo weeraray la sheegay in ay isaga baxeen degaanka.

Wararka ayaa sidoo kale, sheegaya in ciidanka xoogga dalka ku sugan yihiin duleedka degaanka Shabeelow, halka maleeshiyaadka Alshabaab ay isku uruursanayaan degaanka Dhagaxley.

LEAVE A REPLY