Howlgalkan ayaa laga sameeyay waddada Jowhar iyo Balcad isku xirta, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka xooga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay halkaas.
Ururka 4 aad guutada 16 ee Kumandooska DANAB ayaa howlgalka ku dilay maleeshiyaadka ka tirsan Alshabaab kuwaas oo ku howlanaa dhibaateynta shacabka waddadaas adeegsada.