Horjooge Sare oo ka tirsanaa Argagixisada Alshabaab oo lagu dilay duqeyn Cirka...

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Argagixisada Alshabaab oo lagu dilay duqeyn Cirka Ah

SHARE

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo saaxibada mareykanka ayaa  duqeyn cirka ah ku dilay Cabduqaadir Cusmaan Yaroow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos barqadii maanta.

Howl-galkaan oo ka dhacay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Kumaandoos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Alshabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta Propaganda.

Hadda dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanayay xoolo uu saami u helay oo ay Alshabaab baad ahaan kaga qaateen dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY