Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeed oo dilay Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeed oo dilay Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab

SHARE

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan Saddex ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxay ku dileen Tuulada Ceel-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Waddada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Argagixisada Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan.

Gaashaanle Ismaaciil, ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Argagixisada Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY