Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka Cabdirisaaq Cabdullaahi

Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay aaska meydka Cabdirisaaq Cabdullaahi

SHARE

Alla ha u naxriistee, waxaa maanta qabuuro ku yaala isbitalka Xooga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho lagu aasey meydka Cabdirisaaq Cabdullahi Cabdi Agaasimihii xiriirka gobolada ee wasaaradda Warfaafinta oo ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Liido.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala) oo ay wehliyaan agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda ayaa ka qeybgalay aaskiisa.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda,eheladda marxuumka iyo culimaa’udiin,kuwaasi oo dhamaantooda rabbi uga baryay in naxriistii Jana uu ka waraabiyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda oo ay wehliyaan agaasimeyaasha waaxyaha ayaa waalidiinta marxuumka la kulmay aaska ka dib,isagoo u balan qaaday in ka wasaarad ahaan ay ka warqabidoonaan qoyska Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi,gaar ahaan hooyadii dhashey iyo aaska marxuumka oo iyagu goobtaasi ku sugnaa.

Rabbi ha u naxriistee Cabdirisaaq wuxuu ahaa shaqsi ku wanaagsanaa la dhaqanka bulshada gaar ahaan asxaabtiisa shaqada,wuxuuna wasaaradda uu ka soo qabtay xilal kala duwan sida Waxyaha Dalxiiska iyo Xiriirka gobolada oo markii ugu dambeysay uu agaasime ka ahaa.

Ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.

 

      

LEAVE A REPLY