Faahfaahin Dheeraad ah Howlgalka Danab Kunturwaare.

Faahfaahin Dheeraad ah Howlgalka Danab Kunturwaare.

SHARE

Ciidamada Xoogga Dalka ee Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Kunturwaarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku soo furtay 33 Caruurr ah oo aan qaangaarin kuwaas oo si qasab ah ay uga soo wateen waalidiintooda kooxda Alshabaab si ay u baraan afkaarta xagjirnimada ah ay aaminsanyihiin.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta dagmada waxay tageen xerada lagu hayay caruurtaan iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Sidoo kale Howlgalka oo bartilmaameedkiisu ahaa Horjoogeyaal iyo rag lagu dabajoogay oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo qabqabtay Tobaneeyo ka tirsan Xagjirka Alshabaab oo qaarkood ku xirnaa Saldhiga Dagmada.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu sheegay in howlgalka uu ahaa mid lasii qorsheeyay islamarkaana uu sii socondoono.

LEAVE A REPLY