Dagaal Khasaare Loogu Geystay Daacish oo ka Dhacay Gobolka Bari

Dagaal Khasaare Loogu Geystay Daacish oo ka Dhacay Gobolka Bari

SHARE

Inta la xaqiijiyay sideed kamid ah maleeshiyaadka Daacish ayaa la dilay ka dib markii ciidanka Puntland weerar ku qaadeen saldhig argagaxisada Daacish ku la haayeen degaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiisha.

Ciidanka Puntland ayaa sidoo kale, dhulka la simay saldhiggii maleeshiyaadka Daacish ee degaanka isla markaana waxaa laga gubay labo gaari oo Daacish laheyd. Dagaalka ahaa oo mid culus ayaa dhacay shalay gelinkii dambe.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka ay ka horreysay duqeyn lagu garaacay deegaankaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa dhulka buuraleyda ee gobolka Bari.

Muddooyinkii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada ay ka wado deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY