Nabad Sugidda Jubaland oo qabatay horjoogiyaal ka tirsan Argagaxisada Alshabaab

Nabad Sugidda Jubaland oo qabatay horjoogiyaal ka tirsan Argagaxisada Alshabaab

SHARE

Taliska Ciidanka nabad suggida Jubbaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ay gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa iyo maleeshiyadii gacanta kula jirtay.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miinooyin ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku duugeen Xaafada Shaqaalaha gaar ahaan aagga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay rag argagaxisada u qaabilsanaa gudbinta iyo qarxinta miinooyinka lagu wax yeeleeyo shacabka iyo ciidamada qalabka sida ee u taagan ilaalinta sharafta dadka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Sidoo kale ciidanka Nabad Sugida hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabayaasha kala ah; Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinoyinka dhigista iyo Qarxintoodaba waxaana ay qirayaan ragani in ayagoo hawsha Gacanta kula jira ay ciidanka Nabad Sugida soo qabteen” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka NISA ee Jubbaland.

LEAVE A REPLY