Alshabaab oo Xalay Madaafiic ku Tuurey Xaafadaha Shacabka ee Degaanka Halgan +Sawirro

Alshabaab oo Xalay Madaafiic ku Tuurey Xaafadaha Shacabka ee Degaanka Halgan +Sawirro

SHARE

Khasaare hantiyadeed ayaa ka soo gaartay shacabka ku dhaqan degaanka Halgan ka dib markii xalay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab madaafiic ku soo tuureen xaafado shacab ku nool yihiin, sida ay sheegeen saraakiisha degaanka.

Guddoomiyaha degaanka Halgan, Maxamed Guhaad Cabdi, oo ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkii Alshabaab ku qaadeen degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Sawirro laga soo qaaday, meelaha ay ku dhaceen madaafiicda ayaa muujineya burbur soo gaaray guriyo dad shacab ah degan yihiin.

Argagaxisada Alshabaab ayaan u aaba yeelin nolashada shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, ayagoo si micna daro ah ku daadiya dhiigooda isla markaana hantidooda ku qaata sifo aan sharci aheyd.

LEAVE A REPLY