Ciidanka Xoogga dalka oo degaanka Mubaarak ku dilay Maleeshiyaad Alshabaab ah qabtayna...

Ciidanka Xoogga dalka oo degaanka Mubaarak ku dilay Maleeshiyaad Alshabaab ah qabtayna Horjooge

SHARE

Affar kamid ah argagaxisada Alshabaab, ayaa maanta lagu dilay howlgal ciidanka xoogga dalka ka sameeyeen, degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose, sid ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Howlgalka ayaa sidoo lagu qabtay, horjooge magaciisa lagu soo koobay, Macalin Cabdulaahi ,oo argagaxisad ku qaabilsanaa maamulka degaanka Mubaarak.

Taliyaha guutada 16 aad ee Kumaandooska xooga dalka ee DANAB, gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa Idaacadda ciidamada qalabka sida, u sheegay in howlgalka wali uu ka socda degaanka, isla markaana ciidanku ku guda jiraan xaqiijinta ammaanka degaanka.

Howlgalka waxaaa si wadajir ah u fulinaya, guutada 17 aad ee Kumandooska xoogga dalka Gor-Gor iyo DANAB, kaas oo loogu talagalay in argagaxisada looga sifeeyo degaanada ay kaga harsan yihiin gobolka.

Saraakiisha howlgalka hor kacaysa ayaa sheegay in miinooyin badan ka saareen waddooyinka muhiimka ah ee degaanka, kuwaas oo maleeshiyaadka ugu talagaleen in ay ku waxyeeleeyaan ciidanka xoogga dalka ee u soo qalab qaatay difaaca dadka iyo dalka.

Mubaarak oo ah degaanka maanta, laga xoreeyay argagaxisada waxaa uu kamid ah ahaa meelaha istiraatiijiga ah ee wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Hoose. Iyadoo horey looga saaray maleeshiyaadka nabad diidka ah degaano iyo degmooyin ku yaala gobolka.

LEAVE A REPLY