Wararka ka imaanaya gobolka Gedo, ayaa sheegaya in duqeymo dhanka cirka ah lala beegsaday degaanka Ceel-cade oo saldhig u ah argagaxisada Alshabaab, sida dadka degaanka soo sheegeen.
Duqeynta ayaa dhacday xalay fiidkii, ilaa iyo hadda lama oga khasaara maleeshiyaadka argagaxisada ka soo gaaray duqeyntaas.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen dhawaqa iyo daryanka halkaas ka dhacaya, waxaana la aaminsan yahay in khasaare ka soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab ee halkaas lagu beegsaday.
Degaanka Ceel-cade, ayaa kamid ah meelaha fadhiisamada ku leeyihiin argagaxisada Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale duqeymo lala beegsaday degaanka, inkastoo duqeymihii hore shacabka khasaare ka soo gaartay.