Dagaal Khasaaare loogu geystay Alshabaab oo ka dhacay Awdiinle gobolka Baay

Dagaal Khasaaare loogu geystay Alshabaab oo ka dhacay Awdiinle gobolka Baay

SHARE

5 kamid ah maleeshiyaadka argaagxisada Alshabaab ayaa la dilay ka dib markii weerar fashilmay kooxdu ku soo qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin degaanka Aw-diinle ee gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Guddoomiyaha Tuulada Aw-diinle Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay oo warbaahinta Koofur Galbeed la hadlay ayaa sheegay in ciidanka iska caabiyeen maleeshiyaadka soo hujoomay saldhiga, isagoo intaas ku daray in khasaare xoogan soo gaaray argagaxisada.

Saraakiisha ayaa gudaha Tuulada ku soo bandhigay sawirada maydadka maleeshiyaadkii lagu laayay dagaalka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro fashilmey ku soo qaadey degaanka, Ciidamada geesiyaasha xooga Dalka ayaan u taagan iska caabinta Maleeshiyaadka iyo ka badbaadinta umadda dhagartooda.

LEAVE A REPLY