Dad shacab ah oo ku dhintay qarax Miino oo saaka ka dhacay...

Dad shacab ah oo ku dhintay qarax Miino oo saaka ka dhacay Duleedka Baydhabo

SHARE

Inta la ogyahay 5 qof  ayaa geeriyootay 7  kalena waa dhaawacmeen ka dib qarax miino oo saaka ka dhacay degaanka Hareeri Kaadiyow ee duleedka Baydhabo.

Labo kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa 9 qof oo dhaawacyadooda  isbitalka guud ee magaalada Baydhabo  la geeyay, halka 3 kamid ahna lagu soo waramayo in isla goobta maqaayadda qaraxa uu ka dhacay ay ku geeriyoodeen.

Qarax oo ayaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah, iyadoo dadkii ku waxyeeloobay oo shacab ahaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo halkaasi oo lagu dabiibayo.

Ciidamada ammaanka ayaa halkaasi ka wada howlgallo baaritano ah oo amaanka lagu sugayo, iyadoo la aaminsanyahay in falalka nuucaan ah ay geystaan maleeshiyada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY