Ciidanka Amniga oo Fashiliyay Qorshe Argagaxisada la damacsanaayeen Xarunta Canshuuraha

Ciidanka Amniga oo Fashiliyay Qorshe Argagaxisada la damacsanaayeen Xarunta Canshuuraha

SHARE

Inta la xaqiijiyay naftii halgihii waday gaari qarxay ayaa ku geeriyooday, qaraxii saaka ka dhacay ilinka hore ee laanta canshuuraha oo ku taala degmada Xamar Jajab.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay shan askari oo ka tirsan ilaalada xarunta canshuuraha, sida laga soo xigtay war ka soo baxay taliska ciidanka booliiska.

Argagaxisada Alshabaab ayaa isku dayay in ay waxyeeleeyaan xarunta canshuuraha iyo askarta ilaalineysa hase yeeshee feejignaantooda ayaa keentay in laga hor tago qaraxaas.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali, ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxu ahaa xarunta ilaalinta canshuuraha, balse ciidanku ka hortageen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ku hungoobaan dhagarta ay u soo maleegeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY