Ciidamada Xoogga dalka oo saanad ciidan ka furtay maleeshiyaadka argagixisad Al-Shabab

Ciidamada Xoogga dalka oo saanad ciidan ka furtay maleeshiyaadka argagixisad Al-Shabab

SHARE

Howlgaladaan lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisad oo ay kawadaan gobolka Shabeelaha Hoose kumaandooska xoogga dalka ayaa waxaa ay ka sameeyay degaano ay kamid yihiin Shaam, Yuumbis Nuur, Buulo-bashiir, Mubaarak iyo Toora-tooroow.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u sameeynayaan ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa waxeey ku bur-buriyeen goobo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab kuwaasi oo gabi ahaan cagta lamariyay.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxeey howgalka kusoo furteen sanaad ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ayaa waxeey caawiyeen dad ku sugnaa degaanada ay gaareen kuwaasi oo ay heeysateen xaalado caafimaad daro waxeeyna u sameeyeen baaritaano caafimaad iyadoona ay siiyeen qofkii xanuunsan daawooyin maadaamaa ay ku adkeed in ay helaan daryeel caafimaad.

LEAVE A REPLY