Alshabaab oo isku dayay in ay qarax ka geystaan Xerada TurkSom

Alshabaab oo isku dayay in ay qarax ka geystaan Xerada TurkSom

SHARE

Sadex qof oo uu ku jiro naftii halige ka tirsan argagaxisada Alshabaab ayaa geeriyootay ka dib qarax saaka ka dhacay afaafka hore ee dugsiga tababarada ciidanka ee TurkSom, sida ay sheegeen dad goob joogiyaal ah.

Dadka qaraxa ku geeriyooday waxaa kamid ahaa allah u naxariistee, C/raxiim Carabow Cumar, oo shacabka degaanka kamid ahaa.

Ciidanka ilaalada dugsiga ayaa ka hor tagay naftii haligaha kaas oo doonayay in uu bartanka u galo dhalinyaro saf ugu jirtay in ay kamid noqdaan difaacaasha qaranka oo halkaas lagu diiwaan geliyay.

 

 

LEAVE A REPLY