Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaari Qarax saaran yahay ku qabtay Gaalkacyo

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gaari Qarax saaran yahay ku qabtay Gaalkacyo

SHARE

Ururka danab ee qeybta 21aad Ciidamada xoogga ayaa goor dhow ku qabtay magaalada Galkacyo gaari noociisu yahay Noah, kaas oo laga Soo buuxiyay walxaha qarxa.

Ma jiraan wali wax war ah ee ka soo baxay saraakiisha ciidanka amniga gaar ahaan kuwa ururka danab ee fadhigoodu yahay magaalada Galkacyo ee ku aadan gaarigan la qabtay.

Dhinaca Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21 aad ayaa saaka fashilayay weerar naf la caarinimo oo kooxda argagixisada ay ku qaadeen xero taliska qeybtu ee ku leeyihiin afaafka hore ee deegaanka Bacaadweyne ee Bariga Gobalka Mudug.

Ciidamada Amniga qaranka ee ka howl gala Gobalka Mudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday howl galo ka dhan ah argagixisada iyo sugida amniga, ayagoo soo qabtay rag badan oo ka tirsanaa argagaxisada.

Sidoo kale, ciidanka ammaanka ayaa fashiliyay hardoomooyin ay so maleegeen maleeshiyaadka argagaxisada, kuwaas oo isugu jirey weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan oo ay la damacsanaayeen hal-doorka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Mudug.

 

LEAVE A REPLY