Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in khasaare badan lagu gaarsiiyay argagaxisada howlgaladii...

Taliska Ciidanka Xoogga oo sheegay in khasaare badan lagu gaarsiiyay argagaxisada howlgaladii saaka ka dhacay Shabeelaha Hoose

SHARE

Taliyaha ciidanka Dhulka, Janaraal C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in saaka howlgal ciidanku ka fuliyeen deegaanada Jilib-Marka, Gendershe, iyo Dhanaane lagu dilay ku dhowaad 17 ka tirsan Alshabaab kuwaas oo ay kamid yihiin horjoogiyaal.

Ciidanka ayaa sadex jaho kaga dhaqaaqay deegaanadaas, waxaana horjoogiyaasha ciidanku dileen kamid ah nin magaciis lagu soo koobay Axmed Bisle, sida uu taliyaha u sheegay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

Taliyaha ayaa sidoo kale, sheegay in howlgalkan loogu gol lahaa in la xaqiijiyo amniga waddada xeebta marka ee isku xiriirisa Muqdisho iyo magaalada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose.

 

LEAVE A REPLY