Alshabaab oo lagala wareegay deegaanka Abal ee gobolka Bakool

Alshabaab oo lagala wareegay deegaanka Abal ee gobolka Bakool

SHARE

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay howlgal ka sameeyay deegaanka Abal oo ka tirsan degmada Xuddur ee xarunta gobolkaas.

Wararka aan ka heleyno deegaanka ayaa sheegaya in saaka uu halkaas dagaal ku dhex maray ciidanka iyo maleeshiyaad ka tirsan argagaxisada Alshabaab isla markaana ciidanka xoogga dalka u suurtagashay in ay ka wareegaan deegaanka.

Tuulada Abal oo qiyaastii 30km dhanka bari kaga toosan Xuddur ayaa waxaa gacanta ku hayay maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda iyo argagaxisada.

LEAVE A REPLY