Gaari shacab saaran yahay oo Miino ku haleeshay deegaanka Xaaw Cabdi

Gaari shacab saaran yahay oo Miino ku haleeshay deegaanka Xaaw Cabdi

SHARE

Ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ayaa dhimatay ka dib markii saaka gaari nooca Soomaalida u taqaano Hoomey uu dul maray Miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen dad goob joog ahaa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Xaawa Cabdi, waxaana gaari uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarta ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay. inkasta oo ficlilada noocaan ah ay ku caan-baxeen kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabab iyo daacish.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar eey wataan dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY