Shabeelaha Hoose: Waddooyin Alshabaab xireen uu dib loo furey lana dayactirey

Shabeelaha Hoose: Waddooyin Alshabaab xireen uu dib loo furey lana dayactirey

SHARE

Waddooyin muhiim u ahaa isu socodka bulshada ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayay argagaxisadu kal hore xireen si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii maleeshiyaadka maamuli jireen deegaanada ay kamid tahay Janaale ayay Alshabaab xireen waddooyinkaas, hase yeeshee ciidanka xoogga dalka ayaa ka saarey deegaanadaas.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa maanta waxaa ay bilaabeen in waddooyinkii dib loo furey dayactiraan, si isticmaalka u suubanaado isla markaana shacabka loogu fududeeyo isu socodka gobolka iyo gobolada kale oo ay caasimaddu ku jirto.

Mas’uuliyiin ka wada tirsanĀ  dowladda federaalka iyo Koofur Galbeed ayaa kormeerey waddooyinka dib loo furey laguna bilaabay dib u habeynta.

LEAVE A REPLY