Ciidanka Xoogga oo howlgal ka sameeyay deegaanno ka tirsan Mudug.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ka sameeyay deegaanno ka tirsan Mudug.

SHARE

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa  Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan  waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Howl-galkaan waxaa ciidamadu ay ku qaadeen gooba looga shakiyay inay ku dhamaaleystaan maleeshiyaadka Al-shabaab .Waxaana gacanta lagu dhigay hal nin, ka dib markii loo galay guri uu ka degenaa deegaanka .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay howl-galka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howl-gallo uga sameeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanyeen kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY