Ciidamada Xoogga Dalka oo ka qeyb qaadanaya la dagaallanka cudurka COVID-19 (Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka oo ka qeyb qaadanaya la dagaallanka cudurka COVID-19 (Sawirro)

SHARE

Ciidamada xooga dalka oo ka qeyb qaadanaya Ololaha qaran ee lagula dagaallmaayo cudurka dilaaga ah ee COVID-19 ayaa wacyigalin ka sameeyay degmooyinka gobalka Banaadir.

Cutubyo ka mid ah Ciidanka Xoogga iyo Dhakhatiirta ka howl gasho Isbitaalka Xoogga ayaa waxay bilaabeen in ay wacyigelyaan  bulshada ku nool magaalada Muqdisho, iyaga oo sidoo kale u qeybiyeen gacmo gashi (galofis) iyo maaska afka lagu xirto maadaama bulshada qeybaheeda nugul ay anay gadan karin.

Ciidamada ayaa shacabka Soomaaliyeed ku waci galiyay in ay u dhaga nugladaan fariimaha caafimaad ee ku aadan habka loga hortagi karo faafitaanka xanuunka Corona Virus.

Dhaqaatiirta cafimadka ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmahaanba si is daba joog ah u waday wacyigalinta bulshada ee ku aadan halista xanuunka Corona Virus.

LEAVE A REPLY