Booliiska Galmudug oo beeniyay in koox Al-Shabaab ah laga daayey saldhigga Dhuusamareeb

Booliiska Galmudug oo beeniyay in koox Al-Shabaab ah laga daayey saldhigga Dhuusamareeb

SHARE

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan.

LEAVE A REPLY