Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe Bam-gacmeed ku tuuray Bar-koontarool

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe Bam-gacmeed ku tuuray Bar-koontarool

SHARE

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsan argagaxisada Alshabaab oo bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ku tiillay waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal, Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeendhagarqabe bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ciidamadu ay ku hubiyaan gaadiidka.

Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugida amniga iyo in ay iska qabtaan argagaxisada ku soo dhex dhuumaneysa shacabka, taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee looga guuleysan karo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Tuulax ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan u adeegidda shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin har iyo habeen difaaca dalka iyo dadka.

LEAVE A REPLY