Ciidanka xoogga dalka oo raashiin gaarsiiyay dadka Janaale degan

Ciidanka xoogga dalka oo raashiin gaarsiiyay dadka Janaale degan

SHARE

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dadka deegaanka Janaale u qeybiyay raashiin gargaar ah, ka dib markii dhowaan ciidanku ka xoreeyeen maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.

Deegaanka Janaale, ee gobolka Shabeelaha hoose ka hor inta aan ciidanka xoogga dalka la wareegin waxaa maamulayay argagaxisada Alshabaab kuwaas oo dadka aad u dhibaateeyay isla markaana curyaamiyay wax soo saarka gobolka.

Janaale oo ah, dhul wax soo saarka beeraha ku wanaagsan, ayaa Alshabaab curyaamiyeen wax soo saarkaas taasi ayaana keentay dadka deegaanka u baahdaan in raashiin loo qeybiyo.

LEAVE A REPLY