Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay gawaari argagaxisadu qaraxyo ku soo xireen

Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay gawaari argagaxisadu qaraxyo ku soo xireen

SHARE

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Degaanka Buulo Gaduud Ee Gobolk Jubbada Hoose ku fashiliyay Labo Gaari Xaamuul ah Oo Argagixisada Al-shabaab Qaraxyo Kasoo Buuxiyeen iyadoo ciidanku howlgalkaas ku Dilay 27 Argagixisada Katirsanaa.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada kumaandooska xoogga dalku ay kasameeyeen duleedka degaanka buulo gaduud oo hoosyimaado magaalada kismaayo ee gobolka jubada hoose ayay kuqarxiyeen labo gaari xamuul ah kuwaasi oo maleeshiyaad argagixisada al-shabaab kasoo buuxiyen qaraxyo ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada kismaayo.

Gaadiidka xamuulka ah ee ay ciidanka kumaandooska ka badbaadiyeen shacabka kismaayo ayaa noocoodu ahaa yuu-dhii, waxaana ay ciidanku goobtaasi kudileen maleyshiyaad iyo horjoogayaal badan kuwaasi oo qaarkood ay yihiin ajaaniib sida uu Idaacadda Ciidamadda usheegay Taliyaha Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray ujeedlka howlgalka inuu ahaa fashilinta dhagarta cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee caadeeystay daadinta dhiigooda.

LEAVE A REPLY