Ciidamada amniga ee magaalada Jowhar ayaa hawlgalo ay ka sameyeen duleedka magaalada...

Ciidamada amniga ee magaalada Jowhar ayaa hawlgalo ay ka sameyeen duleedka magaalada ku fashiyay dhagarqabayaasha weerar ay Al-shabaab doonayeen in ay kusoo qaadan Jawhar. Ciidamada amaanka ayaa waxay la socdeen dhaqdhaqaaqaya ay wadaan maleeyshidkaan ku dhumaalaysanaya ee doonaya argagixinta bulshada ku dhaqaan magaalada Jawhar. Weerarkan ay fashiliyeen ciidamada amniga waxaa ay ka war heleen ka dib markii ay dadka deegaanka kusoo wargaliyeen, fariismada ciidamada ay ku leeyihiin buundada xaafadda Buulo sheekh ee bariga magaalada. Ciidamada ku sugan goobta ayaa daqiiqado kooban ay ku kala ceyriyeen malleeshiyaadka weerarka soo abaabulay ,sidoo kale majiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Booliiska ama dad rayid ah, ciidamada ay saaka u ruuqaansaday deegaanno dhaca duleedka bari ee magaaladaasi, iyagoo ka si wadah howlgallada lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab halkaasi ka baxsaday

SHARE

Ciidamada amniga ee magaalada Jowhar ayaa hawlgalo ay ka sameyeen duleedka magaalada ku fashiyay dhagarqabayaasha weerar ay  Al-shabaab doonayeen in ay kusoo qaadan Jawhar.

Ciidamada  amaanka ayaa waxay la socdeen dhaqdhaqaaqaya ay wadaan maleeyshidkaan ku dhumaalaysanaya ee doonaya argagixinta bulshada ku dhaqaan magaalada Jawhar.

Weerarkan ay fashiliyeen ciidamada amniga waxaa ay ka war heleen ka dib markii ay dadka deegaanka kusoo wargaliyeen, fariismada ciidamada ay ku leeyihiin buundada xaafadda Buulo sheekh ee bariga magaalada.

Ciidamada ku sugan goobta ayaa  daqiiqado kooban ay ku kala ceyriyeen malleeshiyaadka weerarka soo abaabulay ,sidoo kale majiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Booliiska ama dad rayid ah, ciidamada ay saaka u ruuqaansaday deegaanno dhaca duleedka bari ee magaaladaasi, iyagoo  ka si wadah howlgallada lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab halkaasi ka baxsaday.

LEAVE A REPLY