Dadaalada dowladda ee ku aadan dib u xoreynta dalka

Dadaalada dowladda ee ku aadan dib u xoreynta dalka

SHARE

Dowlada Federalka Soomaaliya dadaal uga jirta sidii Guud ahaan Gobalada dalka looga sifeyn lahaa Argagaxisada Al-shabaab.

Qaar ka mid ah Gobalada dalka ayaa maalmihii la soo dhaafey waxaa gaarey Ciidamao si gaar ah u taba baran oo dowlada federalka ugu tala gashey in ay la dagaalamaan argagaxisada shabaab oo meelo fara ku tiris ah ay dalka ka joogaan.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobalka gedo Maxamed Maclin Aadan ayaa ku soo waramayaa in gobalka gedo degmooyin badan oo ka tirsan 3 dii maalin ee ugu dambeysey ay soo gaarayeen ciidamo aad u qalabeysan oo dowlada ka tirsan.

Meelaha Ciidamadan la geeyey ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Baardheere, Beledxaawo iyo Luuq waxaana ay xoojin doonaan Ciidamadii hored ee halkaasi ugu howl gali jirey.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in ammaanka deegaanadaas ay yihiin kuwo dowladda ay si guud gacanta ugu heynso xiligan.

LEAVE A REPLY