Ciidanka Kumandooska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Jamaame

Ciidanka Kumandooska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Jamaame

SHARE

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ee koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in howgal qorsheysan goordhow uu ka biloowday deegaanka Bangeeni ee ku dhow degmada Jamaame ee gobolkaas.

Dagaal xoog leh ayaa halkaas ka socda xiligaan nawaaxiga Jamaame gaar ahaan deegaanka Bangeeni halkaasi oo fariisin u ahayd kooxda argagixsada ah ee Al-shabaab.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Bangeeni sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka hogaamineysa ee ciidanka Danab.

Howlgalo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka iyo horjoogiyaasha Alshabaab ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed maalmahan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka.

 

LEAVE A REPLY