Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta gelinkii dambe howlagalo ka sameyay deegaaano hoos yimaado degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha degmada Maxaas, Cabdi Muumin Cilmi, oo qeyb ka ahaa howlgalkan ayaa tilmaamay in ciidamada dhowr qof ku soo qabteen howgalka, kuwaasi oo baaritaan lagu samayn doono.
Howlgalka ayaa sidoo kale, waxaa lagula wareegay deegaano markii hore kooxaha argagaxisadu maamuli jireen.
Dadka reer miyiga ah ayaa soo dhaweeyay howlgalada Ciidanka wadaan, maadaama dhibaato weyn ku qabaan xukunka maleeshiyaadka Alshabaab.