Ciidamada XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyey Sh/hoose

Ciidamada XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyey Sh/hoose

SHARE

Ciidamada XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyey Sh/hoose Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo ku hubeeysan gawaarida Gaashaaman ee dagaalka ayaa howlgallo kala dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo lagu xaqiijinayay ammaanka deegaanka Ceel-saliini iyo degaanno kale oo hoosyimaada degmada Marka ayaa sidoo kale deegaanno horleh looga saarayay maleeshiyaadka Shabaab.

Col-Xassan Maxamed Abuukar ahna taliyaha guutada 1-aad ee Ciidanka XDS oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in qorshhu uu yahay sidii maleeshiyaadka Shabaab looga saarilahaa deegaannada dalka islamarkaan loo xaqiijinlahaa ammaanka deegaannada kooxda laga saaray.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha istiraatiijiyadeysan ee ciidamada XDS dalka uga xoreynayaan maleeshiyaadka Shabaab ee dhabaatada xad dhaafka ah ku haya bulshada Soomaaliyeed ee abriyada ah.

LEAVE A REPLY