Alshabaab iyo shacab oo ku dagaalamay gobolka Baay

Alshabaab iyo shacab oo ku dagaalamay gobolka Baay

SHARE

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaadka Nabadiidka Alshabaab iyo dad shacab ah oo iskooda isku abaabuley ayaa ka dhacay Deegaanka Buulo Sokor oo qiyaastii 20Km u jirta Degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Inta la xaqiijiyay 4 katirsan Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa lagu diley halka 9kalena lagu dhaawacey, kadib markii Dadka deegaankaas ay qaateen hubkoodi oo ay ilaa haatana uu socdo Dagaalka.

Arintaan ayaa ka dhalatey kadib markii Shacabka degan deegaanadasi ay udulqaadan waayeen dhibaatada maleeshiyaadka naxariis laawayaash¬† Alshabaab, ay ku hayaan dadka ku nool halkaasi ,dabadeedna shacabka is abaabuley ayaa go’aan sadey inay iska dulqaadaan heerida jid iyo jahadiidka¬† ah ee Alshabaab ayna la dagaalamaan.

Bilihii ugu danbeyey shacabka Soomaliyeed kuwooda xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ayaa ku dhiiradey inay shabab kula dagalamaan deeganada baadiyaha ah ee ay ku nool yihiin kadib markii khawarijtu ay bilaabeen inay boobaan xoolaha ayna maran hababiyaan dhalinyarada ku nool goobaha ay ku sugan yihiin shababku waana arinta keentey inay dadku is abaabulaan dagaalo adagna ay lagalaan maleshiyadka dhiigcabka kucaan baxadey ee alshabab.

Arintan ayaa cadeynaysa in shabab laga nacay miyi iyo magaalo waxaana xiligan soo food saartey burbur iyo kalsooni xumo dhexdooda ah nacayb dad weyne iyo caro alle.

W/Q: Cumar Mustafa

LEAVE A REPLY