Alshabaab oo xoolo badan ka dhacay shacabka ku nool Shabeelaha dhexe

Alshabaab oo xoolo badan ka dhacay shacabka ku nool Shabeelaha dhexe

SHARE

Ku dhowaad sadex boqol oo xoolo nool ah oo ay leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa lagu soo waramayaa in Alshabaab ka dhaceen dadkaas, sida maamulka deegaanka sheegeen.

Maamulka degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha dhexe  oo Sheegey in maleeshiyada Al shabaab ay dad Shacab ah ka dhaceen Xoolahooda.

Gudomiyaha ayaa ayaa sheegey in ku dhawaad todobo xero ay dhaceen kuwaaasi oo isugu jira Geel iyo Ari

Guddoomiyaha waxaa uu intaas ku daray in dadkan hadda ay soo ceerteen maleeshiyadu  ay dib u dejin u sameynyaaan.

Maamulka degmada Cadale, ayaa sheegay in sababta argagaxisada Alshabaab u dhaceen xoolaha dadkan ay tahay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay dowladda la shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY