Duqeyn lagu dilay tiro kamid ah argagaxisada oo ciidanka xooga dalka fuliyeen

Duqeyn lagu dilay tiro kamid ah argagaxisada oo ciidanka xooga dalka fuliyeen

SHARE

Sadex kamid ah argagaxisada Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xooga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka, howlgalka waxaa uu ka dhacay deegaanka Bacaw ee Shabeelaha hoose, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Africom.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale, lagu sheegay in aysan jirin, wax khasaare ah oo shacabka deegaanka ka soo gaaray howlgalkaas lagu beegsaday argagaxisada Alshabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadooda caalamka ayaa sii wada howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, si dalka looga xoreeyo.

Dhowr gentaal ayaa lala eegtay goob maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay  ku dhuumaaleysanayeen, halkaas oo lagu khaarijiyay tiro kamid ah argagaxisada.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu xusay in u jeedka howlgalkan uu ahaa sidii ciidanka xooga dalka loogu gacan siin lahaa dagaalka ay kula jiraan argagaxisada Alshabaab iyo Daacish.

 

 

LEAVE A REPLY