Ciidanka xoogga dalka oo laayay in ka badan 30 kamid ah argagaxisada...

Ciidanka xoogga dalka oo laayay in ka badan 30 kamid ah argagaxisada Alshabaab

SHARE

Danab oo dishay in ka badan 30 Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarineysay Shabeellada Hoose.

Guutada 16aad ee kumaandooska CXD ayaa hawgal balaaran oo ay kasameysay deegaanka Baloow Eylo ee gobalka Shabeellada Hoose waxa ay ku dishay in ka badan sodon Shabaab ah oo qaraxyo ku diyaarinayay gaadiid ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha guudata 16aad, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa caddeeyay in sidoo kale duqeyn lagu gubay gaadiidkii argagaxisadu ay doonayeen inay ku halaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan lagu naafeeyay cadawga ummadda Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah howl-gallo ay ciidanka kumaandoostu ku baacsanayeen haraadiga kooxaha calooshood u shaqeestayaasha, naf la caariga ah ee ka macaasha daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Maalma ka hor ayaa guudata 16aad waxa ay argagaxisada kala wareegtay todoba tuulo oo ka tirsan Shabeellada Hoose, iyada oo Taliye Ismaaciil uu ballan qaaday inay sii wacayaan howl-gallada inta laga soo afjarayo jiritaanka Kooxda Shabaab.

LEAVE A REPLY