Faah faahinta qaraxii saaka ee Ex-control Afgooye

Faah faahinta qaraxii saaka ee Ex-control Afgooye

SHARE

Ugu yeraan shan qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo saaka ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee Ex-control Afgooye, sida booliisku sheegeen.

Qarax oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo iminka la heynin khasaaraha uu geystay, hase yeeshee waxaa uu khasaare xoogan u geystay shacabkii isticmaalayay waddadaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa ka dhacay ay tahay goob lagu qaadayay canshuurta oo isgoyska ku taal.

Alshabaab ayaa mas’uul ka ah qaraxyada lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

Waxaa uu burbur xoogan u geystay dhammaan dhismiyaashii ka ag dhowaa meesha uu qaraxa ka dhacay, xaaladda kacsanaan ah ayaana laga soo sheegayaa goobtaas.

LEAVE A REPLY