Banaadir University VS Shabaab!! Loollanka Khayrka iyo Sharta.

Banaadir University VS Shabaab!! Loollanka Khayrka iyo Sharta.

SHARE

10 sano iyo 25 maalmood ka hor (Dec,03,2009) ayay argagixisada Alshabaab Hotel Shamow ku dileen ku dhowaad 20 arday oo ka qalin jabinayay Jaamacadda Banaadir University.

Waxay kaloo qaraxaas ku dileen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof.Shahiid oo ka tirsanaa Jaamacadda, kana mid ahaa dhaqaatiirta leh takhasus dhif ah oo ah baarista burooyinka iyo dhecaannada kansarka.

Qaraxii Shaamow waxay kaloo Alshabaab ku dileen 4 wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii Soomaaliya oo ku caan baxay ka shaqeynta tacliinta iyo arrimaha bulshada.

Bishii June,2016 Alshabaab ayaa weerar ay ku qaadeen Hotel Naasahqblood ku dilay dad uu ku jiray Dr.Ducaale Shahiid oo uu dhalay Prof.Shahiid.

Jaamacadda Bamaadir waxaa hoggaankeeda haya Dr. Bidey oo qaba dhaawacyadii Alshabaab ugu geysteen qaraxii Shaamow, balse goostay in uu hayo jidka khayrka iyo samaha.

Maanta 10 sano ka dib Alshabaab waxay mar kale xasuuqeen arday 20 ku dhow oo ka tirsan Jaamacadda Banaadir iyo rayid kale.

Buuggaas idiin muuqda oo cilmiga caafimaadka gaar ahaan qalliinka ku saabsan, waxaa lahaa arday/ ardayad Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii saaka. Waxa uu ahaa ama ahayd dufcadda 5aad, waxaa maanta qalay dugaagga Alshabaab.

Buugga kale ee kuu muuqda waxaa ku dharooban dhiigga daahirka ah ee arday/ad kale oo shahiiday.

Bahda Banaadir University waxay u halgamayeen in ay nolol badbaadiyaan, jidkaasna kama weecan oo way ku shahiideen si jumlo iyo tafaariiq ah.

Alshabaab waxay bayaan jidka naf goynta iyo daadinta dhiigga maatida muslimiinta ah, waddadaas ayayna wali ku joogaan.

Waa labo jid oo kala duwan oo midkood jannada tago midna naarta ku arooro.

Alle iyo Islaamka noolba waxa ay markhaati u yihiin in ay Alshabaab xasuuqeen dad aan waxba galabsan, waxaanse ku laab qaboobahay in qaatilkii iyo dulmaneyaashii ay hadda isla jiraan Allaha caadilka ah hortiisa, halkaas oo uu ka jiro xaqsoor dhab ah.

W/D: Liban Cabdi Cali

LEAVE A REPLY