Deegaano hor leh maanta lagala wareegay Alshabaab

Deegaano hor leh maanta lagala wareegay Alshabaab

SHARE

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo u dhaxeeya degmooyinka Cadale iyo Aadan Yabaal, halkaasoo ay saldhigyo ku lahaayeen Al-Shabaab.

Saacadihii u dambeeyay Ciidamada xoogga dalka ayaa dagaal xooggan kula galay Al-Shabaab Tuulada Ceelgub oo saldhig u aheyd, waxaana u suura gashay ciidanka xoogga inay la wareegaan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegaya in khasaare xoog leh ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, kana dileen dagaalamayaal dhowr ah.

Taliye kuxigeenka Xoogga dalka Jen. Maxamed Cali Bariise oo hoggaaminaya howlgalkaas, waxaana uu maalmo ka hor gaaray deegaanka Xaaji Cali oo saldhig u ah Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Deegaanada ay dagaalada ka dhaceen ee u dhaxeysa Aadan Yabaal iyo Cadale ayaa waxaa horay ugu dagaalamay Al-Shabaab iyo Maleeshiyada loo yaqaano Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY