Ciidanka xoogga dalka saaka Alshabaab kala wareegay deegaanka Geelgub ee Shabeelaha dhexe

Ciidanka xoogga dalka saaka Alshabaab kala wareegay deegaanka Geelgub ee Shabeelaha dhexe

SHARE

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Alshabaab kala wareegay deegaano ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe ka dib howlgal ciidanka ay ka sameeyeen halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

Tuulada Geelgub ayaa kamid ah deegaanada ciidanka ka saareen Alshabaab, Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Janaraal Maxamed Cali Bariise, ayaa hogaaminayay howlgalkan.

Howlgalka ayaa laga sameeyay inta u dhexeysa Tuulada Xaaji Cali iyo degmada Cadale, iyadoo ciidanka ay hadda si nabad ah kula wareegeen Tuulada Geelgub oo qiyaastii 20-km u jira degmada Cadale.

Dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay ciidanka saaka la wareegay.

Wariye Mukhtaar Cabdulaahi Timacadde oo la socda ciidanka howlgalka ku jira ayaa sheegay in dhul balaaran oo Alshabaabku horey dadka ugu dhibaateyn jireen.

Ciidamada ayaa hadda waxaa ay si taxadir leh u baareyaan deegaanadii saaka laga saaray argagaxisada.

LEAVE A REPLY