Ciidanka amniga ee Puntland oo fashiliyay qaraxyo la soo geliyay Bosaaso

Ciidanka amniga ee Puntland oo fashiliyay qaraxyo la soo geliyay Bosaaso

SHARE

Ciidanka amniga Dowlad Puntland ee PSF ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan, islamarkaana ka hortagaan qaraxyo lagu xiray bartamaha magaalada Boosaaso.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda Facebooga ayay ku sheegeen in cadowgu dooneyeen inay qaraxyadaas ku waxyeeleeyaan shacabka reer Puntland,gaar ahaan magaaladda Bosaso

“Ciidanka amniga Puntland waxay saaka ku guuleysteen in ay ka hortagaan oo fashiliyaan qaraxyo iyo miinooyin kooxaha cadowga ay soo geliyeen Bosaaso si ay u waxyeeleeyaan shacabka magaalada,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Labo Habeen ka hor ayay ahayd markii Bambo gacmeed lagu tuuray ciidamo ilaalo ka hayay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee magaaladda Bosaso.

LEAVE A REPLY